Baarlamaanka Maamulka Puntland oo Maanta Kalsoonida Kala Laabtey Cabdiweli Gaas

0
112

Balamaanka Puntland oo maanta kalfadhi loo dhan-yahay ku yeeshay magaalada Garowe ayaa kalsoonidii kala laabtay xukuumad-da uu hogaamiyo madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ,taasi oo shaqaynaysay dhowrkii sano ee la soo dhaafay.

Gudoomiyaha Barlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi oo furay kalfadhiga ayaa goobto ka akhriyay qodobo dhowr ah oo mudnayaashu u cuskadeen kalsooni kala noqoshada golaha wasiirada Puntland.

Waxaa qodobada madasha lagu soo bandhigay kamid ahaa in xukuumadda madaxweynaha ay si rasmi ah ugu fashilantay arimo ay kamid-yihin amniga ,dhaqaalaha iyo musuq-maasuq la sheegay in uu hareeyay mashaariicda ka socda deegaanada Puntland.

57 Mudane oo ka tirsan 66-da xildhibaan ee Puntland ayaa so xaadiray kalfadhiga oo la furay xilli hore oo saaka aroortii ah ,waxaana in xukuumadda in la rido u codeeyay 47 Mudane halka 9 xildhibaan ay ka biyo diideen go’aanka mudanayaasha.