Adeega Internetka Koonfurta Somaliya oo Maanta Hawada Dib ugu Soo Laabtey

0
185

Waxaa goor dhaw dib hawada ugu soo laabtay adeegii Internet-ka Fibre Optic oo muddo ku dhawaad bil ka maqnaa gobollada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Internet-ka ay bixiyaan shirkadaha Isgaarsiinta sida Somtel, Hormuud iyo Global ayaa goor dhow dib ugu shaqeeyay dad badan oo uu ka maqnaa tan iyo 24-kii bishii hore.

Mid ka mid ah Shaqaalaha Shirkaddaha Isgaarsiinta ayaa xaqiijiyay in uu dib u soo laabtay Internet-ka 4G iyo Internet-ka kale ee guryaha la geliyo ee Fiilada ah.

Semeynta ugu weyn maqnaashaha Internet-ka Fiber Optic waxaa laga darameey, guud ahaan hay’addaha, dowladda shirkaddaha gaarka loo leeyahay, kuwa Xawaalladaha iyo Warbaahinta oo si gaar ah arintan ay u saameysay.

Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay goor dhow war ka soo saarto Internet-ka hawada dib ugu soo laabtay.