Wasiirka wasaarada amniga xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Abuukar Ducaale (Islow) ayaa sheegay in isbedel lagu sameyn doono ciidamada Nabad Suggida Somaliya.
Maxamed Abuukar Ducaale (Islow) ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in ciidamada NISA ay u shaqeyn doonaan sidii waagii hore lagu yaqaanay ee dharkacad ah.
Ciidanka Sirdoonka Qaran ee Soomaaliya, ayaa hadda waxaa lagu arkaa magalladda Muqdishu, waxaana saraakiishii hore ee Sirdoonka ay u jeediyeen dowladda in ay wax ka bedesho qorshaha.
Waa markii ugu horeysey oo ay xukuumadsa la timaado qaab ka duwan qaabkii ay u shaqeynjireen xukuumadihii hore ee dallka soo marey taasi oo ay shacabka intiisa badani u arkayaan in xukuumadan cusub ay tahay mid ifineysa in dalka loosoo celiyo karamadii iyo heybadii uu lahaa.
