Wasiirka wasaaradda maaliyada xukuumada federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle oo maalintii shalay hortagay mudanayaasha baarlamanka Soomaaliya ayaa ka hadlay sababta Soomaaliland aysan qeyb uga aheyn miisaaniyada dowladda ee la horgeeyay baarlamaanka.
Wasiirka ayaa sheegay in miisaaniyada ay soo diyaariyeen tahay oo kaliya mid ku kooban dowladda dhexe iyo maamul gobolleedyada, isaga oo sheegayin arinta Soomaaliland u baahan tahay waqti kale iyo in marka hore siyaasada laga heshiiyo.
Soomaalilnad ayaa horey u sheegtay in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, laakiin dowladda Soomaaliya ayaa u aragta qeyb dalka ka mid ah, waxaana jira wadahadalo labada dhinac u dhaxeeya, inkastoo wada hadalladaasi yihiin kuwo lagu kala aragti duwan yahay.
Miisaaniyada la horgeeyay baarlamaanka ayaa waxaa ku jira maamul gobolleedyada Puntland, Jubbaland, Koonfur galbeed, Galmudug, Hirshabeelle iyo gobolka Banaadir oo qeyb ka ah misaaniyada ay dowladda soo diyaareysay.
Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada
