Shirkadda Al-Bayrak ayaa maanta dowladda Soomaaliya ku wareejisay qalab-loogu tala galay Dekedda Muqdisho, kaasi oo isugu jira qalabka Rarida iyo dejinta.
Qalabkan oo si gaar ah loogu wareejiyay wasiirka dekeddaha Soomaaliya Maryan Aweys ayaa isugu jira Wiishas, Agab lagu qaado xamuulka, Cagaf-cagaf iyo Qalab kale.
Wasiirka Dekadaha Soomaaliya Maryan Aweys oo warbaahinta kula hadashay gudaha Dekadda ayaa waxaa ay sheegtay qalabkan uu muhiim u ahaa Dekadda, wax badan uu ka tari doono.
Waxaa ay sheegatay muhiim in ay aheyd qalabkan in mar hore la keeno, laakiin howlo badan oo jiray awgeed ay dib u dhaceen, balse wixii hada ka dambeeya lagu fududeyn doono shaqada Dekadda.
Wasiirka ayaa u mahad celiysay shirkadda Al-Bayrak, waxayna ka codsatay in ay kordhiyaan dadaalka ay wadaan oo ay ku hormarinayaan dib u dhiska dalka.
