Magalada Baydhabo oo Maanta Lagu Afduubey 7 Shaqaale oo u Shaqeynayey Hey’ado ka Howl Gala Deegaanadaas

0
172

Warar aynu ka helyno magalada baydhabo ayaa sheegaya in halkaasi lagu afduubey 7 ruux oo shaqaale oo ka shaqeynayey hay’ad ka howl galeysay Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.

Shaqaallahan la afduubtay oo dhamaantood ahaa Soomali ayaa sheegay in Afar ka mid ah ay ahaayeen Dumar iyo seddex rag ah kuwaa oo ka soo anbabaxay degmada Buurhakaba kuna sii jeedey magaalada Baydhabo kolkii uu afduubka dhacayey.

Lama oga ilaa iyo hadda cida ka danbeysan afduubka shaqaalaha, laakiin warar ayaa sheegaya in halka lagu afduubtay Shaqaalahaasi ay ka taliyaan dagaalyahanada Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa warbaahinta u sheegay in ay waddaan dadaallo kala duwan oo lagu badbaadinaayo Shaqaalahaasi.