Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ay soo gabagabeeyeen sdhismaha aldhig military oo dowladda Turkiga ay ka dhistay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.
Safiirka dowladda turkiga u fadhiya Soomaaliya Olgan Baker oo Saxaafada kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay soo gabagabeyeen dhismaha Saldhigaas islamarkaana Bisha Ogoosto ay qorsheynayaan in ay keenaan Saraakiishii tababarka ku bixin laheyd Saldhigaas.
Waxa uu sidoo kale hadalkiisa intaas ku daray in Bisha September ee Sanadkaan ay xariga ka jari doonaan Saldhigaas,balse haatan Saraakiil ka tirsan Turkiga ay sihoose oo bilaaw ah tababar u wadaan.
Si kastaba arintu ha ahaatee hadalka safiirka ayaa yimid kadib kolkii shalay Wariyaasha uu la qaatay kulan Su’aalo weeydiin ah kaas oo looga hadlayay Sanad kadib Afgembigii fashilmay ee ka dhacay dalkaasi turkiga.
