Taliyaha Guud ee Howlgalka Ciidamada Amisom oo Shacabka Ka Dalbadey Iney La Shaqeeyaan

0
178

Taliyaha guud ee ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM Jen Cismaan Subagle ayaa sheegay in dagaalka lagula jiro Al-shabaab yahay mid dhibaatadiisa xambaarsan.

Dadka ay la dagaalamayaan ayuu sheegay in ay yihiin dad Soomaali ah oo ku hadlaya Af Soomaali, sidaa daraadeed ay adag tahay in la kala garto iyaga iyo dadka shacabka ah.

Mar uu ka hadlayay dhibaatada ka taagan in leysku furo jidadka magaalooyinka ay dowladda maamusho ayuu yiri’’ In jidadka la furo qiimo badan ayeey noogu joogaan, waayo marka aan 20 Askari dirro, waxaa dirqi halkii ay ku socdeen ku taga 19 askari oo mid ka mid ah ayaa la dilayaa, marka howlgalka noocaas ah oo qof ajnabi ah uu fulinayo oo dalkiisii ka yimid isaga oo nool isaga oo meyd ahna la celinayo dhibaato ayeey nagu tahay’’ ayuu yiri Jen Subagle.

Shacabka ee Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in ay gacan siiyaan howlgalka AMISOM, madaama ayuu yiri ay adag tahay in lagu guuleysto dagaalka haddii aan la helin taageerada shacabka.