Kulanka todobaadlaha ee golaha xukuumadda Soomaaliya oo todobaad walba maalinta khamiista ah lagu qaban jiray magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa maanta ka furmay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.
Shirka todobaadlaha ee golaha xukuumadda waxaa shir gudoominayay raysul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, waxaana sidoo kale munaasibadda furitaanka fadhiga xukuumadda ka qeyb galay madaxweynaha Maamul goboleedka Jubaland Axmed Max’ed Islaam.
Ugu horeyn waxaa madasha ka hadlay madaxweynaha maamul goboleedka Jubaland oo sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in magaalada Kismaay ay marti geliso shirka golaha xukuumadda Soomaaliya, arintan oo uu sheegay in ay kaalin ka qaadaneeyso dowlad wanaagga iyo weliba ku baahinta nidaamka dowliga ah ee dalka.
Raysul wasaaraha oo dhankiisa furitaanka ka hadlay ayaa kula dardaarmay golaha xukuumadda dowladda Soomaaliya in wasaarad walba ay kulan is xogwareeysi ah la qaadato wasiirka ay isku shaqada yihiin ee dowlad goboleedka Jubaland.
Waa markii ugu horeeysay oo shirka golaha wasiirada lagu qabtyo meel ka baxsan caasimadda tan iyo wixii ka danbeeyay dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa AUN Madaxweeyne C/laahi Yuusuf Axmed.
