Maamulka gobolka Banaadir ayaa ka laabtay amar uu horay u soo saaray oo ahaa in shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho lacag la’aan ku gali karaan Beerta Nabada oo ah dhul ay dowladdu leedahay laakiin ay hagaajiyeen ganacsato Soomaaliyeed.
Arintan ayaa khilaaf weyn ka dhax abuurtay maamulka gobolka iyo ganacsatada Beerta Nabada oo markiiba ku gacan-seyray amarka ka soo baxay maamulka gobolka Banaadir ee ah in aan wax laga ah laga qaadi karin dadka halkaa u dalxiis taga.
Kulan dhaxmaray ganacsatada iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa leysku afgartay in sidii hore loo daayo soo galitaanka Beerta ee aheyd in qofka u soo dalxiis tagaya laga qaado lacag dhan $ 1 dollar.
Beerta Nabada ayaa ka mid ah goobaha ugu qurxoon magaalada caasimada oo ay dadku u nasasho tagaan, waxaana ku yaala gudaheeda maqaaxiyo laga cunteeyo, xarumo jimicsi iyo waliba agabyo kale oo ay dadku ku madadaashaan.
