Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Maanta Loo Qeybiyey Miisaaniyada Dalka uu ku Shaqeyn Doono 6da Bilood ee Soo Socota

0
201

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta horgeeyay Baarlamaanka miisaaniyadda dowladda ku shaqeyneyso lixda bilood ee soo socota.

Miisaaniyadda lixda bilood ee ay ku shaqeyneysay dowladda ayaa ku ekeyd bishii la soo dhaafay ee June, iyadoo dalka uu xilligan yahay miisaaniyad la’aan.

Wasiirka Maaliyadda ayaa ka hor akhriyay Xildhibaanada Golaha shacabka miisaaniyada lixda bilood ee soo socota, sidoo kale waxaa uu hor-geeyay xisaab xirkii miisaaniyada ee sanadihii 2015 iyo 2016.

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ayaa loo qeybiyay miisaaniyada lixda bilood ee soo socota, waxaana ay soo akhrisanayaan 48 saacadood, iyadoo dib la isugu soo noqon doono 15-ka bisha oo ku beegan maalinta sabtida.