Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in sharciga lala tiigsan doono cid kasta oo warar been abuur ah iyo dacaayad ka faafisa xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in hadda kaddib aysan aqbali doonin in la iska dacaayadeeyo xildhibaanada Qaranka ama laga sheego warar aan munaasabad ku aheyn.
Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in cadaalada laga wada shaqeeyo oo si isku mid ah loo dacweeyo loona ganaaxo mas’uuliyiinta dowladda iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed hadii ay dambi ka galaan xildhibaanada Qaranka.
Guddoomiye ku-xigeenka ayaa intaa ku darray in ay jiraan qaladaad waaweyn maalin kasta ay galaan dadka balse aan lagu ciqaabin, waxaa uu xusay in ay ku dadaalayaan sidii loo ciqaabi lahaa dadka mar walbo dacaayadaha ka faafiya xildhibaanada baarlamaanka.
