Madaxweynaha Dowlada Federaalka oo Maanta Magacaabey Gudiga Taakuleynta Ciidamada

0
164

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magacaabay guddiga Qaran oo Taakuleynta Ciidamada, kaddib munaasabad xalay ka dhacday dugsiga tababarka booliiska ee Gen. Kaahiye, kaa soo dhaqaale loogu uruurinayay ciidamada qalabka sida.

Madaxweynaha ayaa u magacaabay guddoomiyaha guddiga Taakuleynta ciidamada Jen, Jaamac Maxamed Qaalib, halka guddoomiye kuxigeen uu ka dhigay Sheekh Nuur Baaruud Gurxan.

Munaasabadan ayaa waxaa ka qeyb-galay madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha, guddoomiyaha aqalka sare, wasiiro, xildhibaano, taliyeyaasha ciidamada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka.

Madaxweynaha ayaa ku baaqay in la taageero ciidamada qalabka sida, isagoo xusay in ciidamada ay har iyo habeyn difaac ugu jiraan Qaranimada Soomaaliya.