Shirkii Golaha Amniga Qaranka oo Weli Ka Socda Magalada Muqdisho

0
279

Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa la wareegay shir guddoonka shirka Golaha Amniga Qaranka oo wali ka socda magaalada Muqdisho, kaasoo aan illaa iyo hada ka soo bixin wax natiijo ah.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu ka cudur daartay shir guddoominka shirka maalintii shalay dhacay, iyadoo xalay uu kulamo gaar gaar ah la qaatay madaxda ka qeyb galeysa shirka, si uu ugu qanciyo in shirka laga gaaro is faham.

Shirkan oo Arbacadii la soo dhaafay uu furay Madaxweyne Farmaajo ayaa ku qorsheysnaa inuu socdo labo maalmood, hase ahaatee uu maalmo dheeraad ah sii qaatay, kaddib markii qodobada qaar ee laga doodayo la isku mari waayay.

Shirka oo Axadii shalay dib la isugu soo laabtay, kaddib maalintii jimcaha oo fasax la galay iyo Sabtidii oo soo gashay furitaankii kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka ayaa waxaa lagu wadaa in gelinka dambe ee maanta illaa berri la soo gaba gabeeyo.