Midowga yurub ayaa ku dhawaaqay in ay kaalmo bini’aadnimo oo dheeri ah ay siinayaan wadamada ay abaartu saameeysay oo ay ka mid yihiin Soomaaliya,Ethopia iyo Kenya.
Midowga yurub ayaa sheegay in ay wadamadaasi ay abaartu ay saameeysay ay ugu deeqayaan lacag dhan 60 million oo yuuro.
Lacagtaan ayaana qeyb ka ah lacago ay horey midowga yurub ay ugu deeqeen wadamada Soomaaliya,Ethopia iyo Kenya.
Christos Stylianides oo ah madaxa kaalmada bini’aadnimo iyo ka hortagga musiibooyinka Midowga yurub ayaa sheegay in ay ka jawaabayaan codsi horay ugu yimid isla markaana ay badbaadinayaan nolosha dad badan oo ay abaartu ay saameeysay oo ku nool wadamadaasi dhaca bari afrika.
