Alshabab oo La Sheegey Iney Dad ku Laayeen Magaalo Xeebeedka Lamu ee Dalka Kenya

0
209

Maleeshiyaad loo maleeynayo in ay Shabaab yihiin ayaa Sagaal Nin Xalay ku gowracay deegaan Hoostaga Mgaalo xeebeed ka Lamu, sidaas waxaa sheegay Booliiska, Arrintaan ayaa Imaaneeysa maalmo ka dib markii Al-shabaab ay Dilleen Sadax Askari oo Booliis ah.

Booliiska ayaa sheegay in Meeydadku ay Sagaal ahaayeen, Goobjooge yaal Dalbaday in aan Magacooda la sheegin ayaa xaqiijiyay tiradda Geeridda.

Dad ka daganaa degaanka uu weerarku ka dhacay ayaa sheegay in Dagaalyahanno aad u Hubeeysan oo Qaar u muuqdeen in ay Asal ahaan Somaali yihiin ay Weerarka Soo qaadeen 11:00 PM xalay saqdii dhexe.

Dadka Deegaanka ayaa intaas ku daray in ay Ragga Hubeeysan Guri-guri uga raadinayeen Dad aan Muslimiin ahayn isla markaan ay Dhibaneyaasha Meel isugu geeyeen Ka Hor inta aysan Qoorta ka jarin.