Qaar Ka Tirsan Golaha Wasiirada oo Maalintii Shaley Booqdey Xarunta Xalane

0
182

Wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maalintii shalay booqday xarunta Xalane oo ay ka howlgalaan shirkado iyo shaqaale ajnabi ah.

Wasiirrada tagay xarunta Xalane ayaa waxaa ka mid ahaa wasiirka maaliyada C/raxmaan Ducaalle Beylle, wasiirka wasaaradda Warfaafinta C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow, wasiirka shaqada iyo shaqaallaha Saalax Axmed Jaamac iyo wasiir ku-xigeenno.

Wasiirka ayaa sheegay in ilaa 157 shirkadood ka howlgalaan sida uu hadalka u dhigay xarunta Xalane.

Xarunta Xalane ayaa ah saldhiga ugu balaaran ee shirkaddaha ajnabiga ah iyo shaqaallaha UNka ka howlgala Soomaaliya, waxaana uu noqonaya kulankan kii ugu horeeyay ee dhaxmara xubno ka tirsan xukuumada Soomaaliya iyo Ajnabiga ku sugan xarunta.

Marar badan ayaa dowladda lagu dhaliilay in aysan ka war qabin howlaha ka socda xarunta Xalane oo dhinaca kale saldhig ballaaran u ah ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM.