Maamulka Gobolka Baanadir o Joojiyey Lacgihii Lagu Geli JIrey Beerta Nabada

0
222

Maamulka gobolka Banaadir ayaa amar ku bixiyay in la joojiyo lacagaha laga qaado dadka u dalxiis taga Beer Nabada, waxaana uu intaa ku darray in laga bilaabo maanta dadku si lacag la’aan ah u tagi karaan Beerta.

Beerta Nabada ah oo dhul dowladeed ayaa dhinaca kale waxaa maalgaliyay ganacsato Soomaaliyeed oo halkaa ka sameysay xarumo kala gadisan oo dadku u damaashaad tagaan, waxaana qof walba laga qaadi jiray lacag u dhaxeysa $1-2 doolar.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir CabdiFitaax Cumar Xalane ayaa warbaahinta u sheegay in guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ku wargaliyo shacabka Muqdisho in ay si bilaash ah ama lacag la’aan ah ku gali karaan gudaha Beer Nabada.

Wali ma jiro wax war h oo dhinacooda ka soo baxay ganacsatada maalgalisay dhulka oo kulan ay la qaateen maamulka gobolka Banaadir la sheegay in aan leysku afgaran.