Ra’iisal wasaaraha xukuumada Fedraalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda boqortooyada Sacuudi Carabiya Caadil Al-Jubeir.
Kulanka labada mas’uul oo ahaa mid saacado badan qaatay albaabadana ay u xirnaayeen ayaa looga hadlay xiriirka labada dal ee Sacuudiga iyo Soomaaliya.
Ra’iisul wasaaraha ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay in isaga iyo wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga ay ka wada hadleen xiriirka labada dal.
Wasiirka arimaha dibadda Sacuudiga ayaa booqasho ku maraya wadamo dhowr ah oo Afrikaan ah si uu taageero ugu raadiyo go’doominta la saarayo Qatar.
Sacuudiga ayaa wali ku cadaadineysa qaar ka mid ah dowladdaha qaarada Africa qaadashada go’aan ka dhanka ah Qatar oo ay qaateen dalalka xulufada la ah Sacuudiga.
