Warar lagu lagu kalsoon yahay oo aynu ka kala helney magaalooyinka baydhabo, Afgooye iyo muqdisho ayaa waxaa ay ku waramayaan in ciidamo kor u dhaafaya 160 askari oo tababar ugu soo dhamaadey xerada manaas ee dagda duleedka degmada baydhabo ay gadood sameeyeen.
Ciidanka gadoodka sameeyey ayaa horey waxaa ay qeyb uga ahaayeen tiro ku dhow ilaa iyo 200 oo askari oo horey looga soo aruuriyey qaar ka mid ah degmooyinka gobolka shabeleha hoose tababarna ku qaatey magalada baydhabo.
Maamulka Koonfur Galbeed.
Wasiir ku xigeenka wasaarada amniga maamulka koonfur galbneed C/laahi Maxamed Aadan ayaa xaqiijiyey in ay ciidamaasi gadoodeen sababta ay u gadodeena ay tahay dhibaatooyin ay kala kulmeen maamulka koonfur galbeed iyo mushaar la,aan, Balse waxaa uu ka gaabsadey in uu si toos ah uga hadlo sababta keentey ciidamaasi in ay mushaar la,aan ahaadaan ayadoo la wada ogyahay in tirada guud ee ciidamada maamulka koonfur galbeed mushaaradooda ay bixiyaan dowlada federaalka iyo dowlado saaxiibo la ah maamulka koonfur galbeed.
Sidoo kale wasiir ku xigeen ayaa ku tilmaamey ciidanka gadoodey iney yihiin tiro aad uga yar tirada dhabta ah ee haatan gadoodey.
Ciidanka Gadoodey.
Ciidamadan gadoodsan mid ka mid ah oo u hadley idaacadaha maxaliga ayaa sheegey in gadoodkooda uu qeyb ka yahay dhibaatooyin badan oo ay ka tabanayaan qaar ka mid ah masuuliyiinta maamulka koonfur galbeed ayadoo ay taasina u dheer tahay daryeel xumo iyo mushaar la,aan.
Askarigan ayaa hoosta ka xariiiqey in ciidamadan ay ka kala yimaadeen ilaa iyo afar degmo oo ka mid ah gobolka shabelaha hoose isla mar ahaataasna loo sheegey in kolka uu tababarka dhaaado deegaanadooda dib loogu celin doono xuquuqdoodana aya heli doonaan, Hasa yeshee taas bedelkeeda ayuu sheegey in lagu dayacay gudaha magalada baydhabo ayagoo weliba loogu hanjabey in la leyn doono hadii ay ka noqon waayaan gadoodka ay hada ku jiraan.
Odayaasha Dhaqanka.
Ciidamada gadoodey ayaa waxaa horey degmooyin ka mid ah gobolka shabelaha hoose uga soo aruuriyey qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka gobolka shabelaha hoose.
Golaha salaadiinta iyo maalaaqyada koonfur galbeed iyo maamulka shariif xasan ayaa horey u go,aansadey in degmooyinka maamulka koonfur galbeed oo idil loo tababaro ciidan loona qalabeeyo dibna loogu celiyo degmooyinkooda si ay uga howl galaan ayadoo howshaasina maamulka koonfur galbeed ay ka caawinayeen dowladaha ingiriiska iyo itoobiya.
Hadaba ilaa iyo haatan waxaan si dhab ah loo ogeyn waxa keeney dayaca loo geystey ciidanka loo tababarey gobolka shabelaha hoose ayadoo qaar badan oo ka mid ah waxgaradka kasoo jeeda gobolka shabelaha hoose ay si gaar ah isha ugu hayaan dhibaatooyinka maamulka shariif uu ku hayo si gaar ah dadka kasoo jeeda gobolka shabelaha hoose.
Golaha salaadiinta iyo malaaqyada koonfur galbeed ayaa dhankooda ilaa iyo haatan wax war ah kasoo saarin, halka odayaasha dhaqanka ee kasoo jeeda beelaha dhalinyaradooda lagu dayacay magalada baydhabo ilaa iyo haatan wax cabasho ah aysan ka muujin.
Si kastoo loo dhigaba dhibaatooyinka baaxada weyn leh ee uu maamulka shariif xasan ku hayo dadka kasoo jeeda gobolka shabelaha hoose ayaa waxaa la rumeysan yahay iney salka ku heyso heshiisyo beelaha kasoo jeeda gobolada dhexe ee duulaanka ku ah gobolka shabelaha hoose kala dhexeeyo maamulka shariif.

Cidankana gadoodsan ma ku tala gal miyaa in zhabellahavhoosr ka yomadaan
Comments are closed.