Kulan Golaha Amniga Qaranka oo Maanta Ka Furmey Magalada Muqdisho

0
206

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta shir guddoominaya kulanka gollaha amniga Qaranka oo ay xubno ka yihiin madaxda maamul goboleedyada dalka.

Kulanka maanta furmaya ayaa socon doona mudo labo cisho ah, waxaana looga hadlayaa arrimaha ammaanka, dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo dhismaha ciidamo isku dhaf ah oo tiradooda gaareyso 18 kun oo askari.

Golahan ay ku mideysan yihiin hogaamiyayaasha dowlad gobolleedyada dalka iyo dowladda dhexe ayaa lagu dhisay shirkii bishii April ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Dhismaha gollahan amniga Qaranka ayey xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ku tilmameen mid aan wax badan ka duweyneyn dhismaha madashii hoggaanka Qaranka ee horay uu u aas aasay madaxweynihii hore Xasan Sheekh Max’uud inkastoo mas’uuliyiinta dowladda difaaceen muhiimada dhismaha gollahan.