Dhowr Hoobiye oo Maanta Lagu Garaacay Xarunta Villa Somaliya

0
299

Ilaa Seddex hoobiye ayaa goordhow ku dhacay meel ku dhow madaxtooyadda Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan Hal askari ayaa ku dhintay hoobiyayaasha, iyadoo uu dhaawac kasoo gaaray ilaa afar ruux oo ay ku jiraan ciidamo iyo dad shacab ah.

Hoobiyayaasha qaar ayaa ku dhaceen halka lagu magacaabo shimbiraale iyo agagaarka xarunta Baarista oo ku dhow Madaxtooyada.

Hoobiyayaasha lagu garaaco Villa Somalia ayaa inta badan laga soo tuura Xaafado ka tirsan isla Degmada Warta Nabadda, iyadoo inta badan ciidamada ay ku guul dareystaan inay gacanta ku dhigaan Hubka iyo Maleeshiyaadka tuura.