Qarax goor dhaw ka dhacay xaafadda Taleex ee degmada Hodan ayaa lagu waramayaa in lagu dhaawacay agaasimihii hore ee wasaaradda warfaafinta Cabdirisaaq Bahlaawi iyo dad kale oo gaariga la saarnaa.
Agaasimaha ayaa la sheegay in dhaawac fudud uu ka soo gaaray qaraxa loo maleynayo in uu ahaa mid gaariga loogu xiray.
Saddex ruux oo la sheegay in ay la saarnaayeen agaasimaha gaariga ayaa sidoo kale waxaa soo gaaray dhaawacyo kala duwan.
Qaraxan ayaa imanaya xili isla maanta magaalada Muqdisho qeybo ka mid ah lagu weeraray madaafiic loo adeegsaday qoriga Hoobiyaha oo la sheegay in qaarkood ku dhaceen agagaarka madaxtooyada Soomaaliya.
