Wasiirka wasaaradda maaliyada Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa digniin u diray dadka mushaarka ka qaata hey’adaha dowladda ee ku diiwaan gishan inay shaqaale yihiin, balse aan shaqeyn.
Wasiirka ayaa sheegay in ay soo ogaadaan dad mushaarka ka qaata, balse aanay aheyn shaqaale dowladda ka tirsan, kuwaasoo uu xusay inay qoreen rag siyaasiyiin ah sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in dadkaas ay fursad siinayaan illaa dhamaadka bishan July, cidii soo xaadiri weyda shaqadeeda mushaarka laga jari doono.
Wasiir Beyle ayaa sheegay in shaqaalaha dowladda ay gaarayaan illaa 5kun oo ruux, kuwaasoo uu xusay inay jiraan dad dibadaha jira oo Akoonadooda Bankiga ugu dhacda mushaarka.
