Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somaliya oo Sheegey In Goor Dhow Bilaaban Doonto Wadahadalada Somaliya iyo Somaliland

0
24

Madaxweynaha Dowlada Federalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in dowladdiisa sidda ugu dhaqsiyaha badan u bilaabi doonto wada hadalladii ay la lahaayeen Soomaaliland.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dadkii xoriyada u soo halgamay, iyo madaxdii hore ee Soomaaliya ay ku xusuusan doonaan astaamo kala duwan oo ay ugu magac dari doonaan.

Dhawaan ayeey aheyd markii siddoo kale wasiirka wasaarrada arimaha dibada Soomaaliland Sacad Cali Shire Warbaahinta u sheegay in ay diyaar u yihiin dhinacooda in dib loo bilaabo wada hadallada.

Wadahadaladii u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo Somaliland ayaa waxaa ku yimid hakad, waxaana wada hadalada oo soo socday tan iyo sanadkii 2012, aan wali laga gaarin wax natiijo ah.