Guud ahaan Dalka Somlaiya oo Xaley Inta Badan Looga Dabaal Degey Kowda Luulyo

0
53

Gud ahaan dalka somaliya ayaa inta badan looga dabaal-degay xuska munaasabada 57-guurada ka soo wareegatay markii gobollada koonfureed ay xornimada ka qaateen gumeystihii Talyaaniga dhinaca kalana is raaceen labada gobol Waqooyi iyo Koonfur.

Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay ka qeybgalay munaasabad ballaaran oo lagu qabtay xarunta dowladda hoose ee Xamar ayaa rajo badan ka muujiyay Soomaaliya mar uun isku soo noqon doonto.

Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo ayaa ka hadlay Soomaaliland, isagoo sheegay in dowladdiisu ay diyaar u tahay in ay dib u bilowdo wadahadalladii u dhaxeeyay Soomaaliland iyo dowladda Somalia.

Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa war uu soo saarey ku sheegay isaga oo ku hadlaya magaca dowladda Maraykanka in uu hambalyo u dirayo shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay ku sugan yihiin.

Sidoo kale, munaasabado kala duwan oo loogu dabaal-degayo maalmaha xoriyada ayaa ka dhacay deegaannada maamul gobolleedyada dalka ay ka arimiyaan oo lagu soo waramayo in xalay saqdii dhexe la saaray calanka buluuga ah.