Wakiilka Xogahayaha Guud ee Qaramada Midoobey u Qaabilsan Somaliya oo Sheegey Iney Weli Somaliya JIraan Caqabado Badan

0
22

Wakiilka xog-hayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya danjire Michael Keating ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay wali heystaan caqabado waa weyn oo u baahan in laga taageero.

Micheal Keating ayaa sheegay in ay wali taagan yihiin muranka ku saabsan xuduudaha iyo isku dhacyadda bulshadda Soomaaliyeed.

Waxaa uu sheegay in dowladaha caalamka laga doonaayo in ay si dhaw ula shaqeeyaan dowladda Soomaaliya.

Wakiilk ayaa qiray in Soomaaliya ay sanadyadii la soo dhaafay ay gaartay horumaro la taabankaro , inkastoo wali ay taagan yihiin caqabadii ugu waa weynaa.

Waxaa uu tilmaamay in kumanaan qof ay wali ku jiraan Barakac ay sababeen Abaaraha iyo sidoo kale dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada waa sida u hadalka u dhigay