Ra’iisul wasaaraha xukuumada Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa sheegay in xiligan dalalka caalamka u soo jeesteen wax u qabashada Soomaaliya, loona baahan yahay shacabka Soomaaliyeed arrintaa taageeraan.
Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegaya in dalka uu ku soo jiray mudo dheer oo bur bur iyo dagaalo sokeeye ah, balse wixii xiligan ka danbeeya loo baahan yahay in loo soo jeesto dib-u-dhiska dalka iyo sidii horey loogu wada socon lahaa.
Waxaa uu intaa ku darray in shacabka Soomaaliyeed laga doonayo in ay u istaagaan siddii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska dalka, maadaama beesha caalamka ay taageero dhan walba ah Soomaaliya la garab taagan tahay.
Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in isaga, madaxweynaha iyo xubnaha kale ee dowladda in ay u istaageen siddii Soomaaliya ay horey ugu sii socon laheyd, si loo gaaro hormaro balaaran.
