Wasiirka Arimaha Dibada Dalka Norwey oo Maanta Booqasho ku Tegay Magalada Muqdisho

0
56

Wafdi uu horkacayo wasiirka wasaaradda arimaha dibada Norway Borge Brende ayaa goor dhaweyd gaaray magaalada Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Norway Børge Brende iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu ka mid yahay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar.

Waxaa lagu wadaa in xubnaha Wafdigaan goor dhow ay madaxtooyada Soomaaliya kula kulmaan madax ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Dowladda Norway ayaa waxay ka mid tahay dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya isla markaana ka mid ah dalalka danjirayaashooda ay ka joogaan dalka.