Madaxweynaha Dalka Kenya oo Sheegey In Ciidamada Kenya Aysan Ka Bixi Doonin Somaliya

0
29

Ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya kama bixi doonaan Soomaaliya waxaa sidaasi yiri Uhuru Kenyatta oo ah Madaxweynaha dalka Kenya, isaga oo ka jawaabayay hadal ka soo yeeray isbaheysiga Mucaaradka ah ee NASA, kaasi oo sheegay in Soomaaliya ay ka soo saari doonaan Ciidamada Kenya.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha Kenya in Mucaaradka aanan la aamini Karin, maadaama aysan heysan qorshe cad oo ay ku maamulayaan Kenya.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sidoo kale sheegay Ciidanka Kenya ee jooga Soomaaliya in ay qeyb ka yihiin Howlgalka AMISOM, sidaasi darteedna Soomaaliya ay ku sugnaan doonaan ilaa Ciidamada Dowladda Federaalka ay ka noqdaan kuwo la wareegi kara ammaanka dalkooda.

Mr. Uhuru sidoo kale wuxuu NASA ku eedeeyay in keliya Kenya ay u soo jiidayaan faqri iyo colaad aan dhamaad lahayn, isaga oo taa bedelkeeda taageerayaashiisa u balan qaaday in Kenya xaga sare uu gaarsiin doono.