Adeega Internetka oo Maalintii Afaraad ka Maqan Koonfurta Iyo Bartamaha Somaliya

0
35

Dadka sida weyn ugu xiran adeega Internet-ka ayaa ku jahwareersan maalintii Afaraad maqnaashaha Internetka oo saamayn gaar ah ku yeeshay gobollada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Shaqooyinkii Xawaaladaha ee gobolada dalka iyo adeegyadii kale ee bulshada oo ay ka mid yihiin qeybaha kala duwan ee warbaahintaa ayuu saameyn adag ku yeeshay maqnaasha Internetka,

Mas’uuliyiinta shirkadaha bixiya adeega Internetka ayaa warbaahinta u sheegay sababta ugu weyn ee ciladan ay tahay Markab kuwa ganacsiga ah oo jarey mid ka mid ah fiilada Internetka siisa Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, iyaga oo intaa ku darray in la wado dadaalo la doonayo in dib loogu hagaajiyo.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya Axmed Xaaji Cabdi ayaa sheegay in Internet la’aanta ka jirta gobolada dalka qaar ay saameyn ku yeelatay adeegyadii bulshada iyo shaqooyinka dowladda.

Ilaa iyo hadda waqtiga rasmiga ah ee dib hawada loogu soo celinayo adeega Internetka.