Maleeshiyaadka Alshabab oo Xaley Weerarey Degmada Afgooye

0
26

Maleeshiyada Ururka Al Shabaab, ayaa xalay weeraray Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose, iyadoona ay laba jiho ka weerareen.

Shabaabka, ayaa Degmada Afgooye ka weeraray dhinaca Buulo Fooliyo iyo Buundada Yar, oo labaduba ay fariisimo ku leeyihiin Ciidamada Dowladda Somaliya.

Ilaa iyo haada lama oga qasaaraha dhabta ah ee ka dhashey weerarkaas Madaxa Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, Cumar Maxamuud Cilmi (Cumar Carabey), ayaa sheegey in ay ka hortageen weerarkaas.

Dhinaca kale ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maleeshiyaadka alshabab oo ku aadan werarkii xaley ay ka geysteen degmada afgooye.