Dowlada Federaalka Somaliya oo Ka Hadashey Cilada Internetka ee Ka Jirta Koonfurta IYo Bartamaha Somaliya

0
26

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay Cidal ku timid Internetka qeybo kamid ah Koofurta Soomaaliya.

Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa waxa ay xaqiijisay in cilad ay ku timid adeegii Internet ee ka jiray Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Agaasimaha Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta, Axmed Xaaji Cabdi oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in markab uu jiiray halka ay iska galaan laba cable oo Internet ah, oo ka kala yimaada Jabuuti iyo Kenya.

Agaasimaha, ayaa tilmaamay in xalinta ciladaan soo korortay ay qaadan doonto muddo dhawr maalmood ah, sida uu yiri.