Madaxweynaha Turkiga oo Taageerey Go,aanka Qadar Ay Iska Taagte Dalabka Ka Yimid Xulufada Sacuudiga

0
43

Madaxwaynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa soo dhaweeyay go’aanka ay dowladda Qatar isu dul taagtay qodobadii ay soo bandhigeen dalalka xiriirka u jaray Qatar, isagoo sheegay in shuruudahaasi yihiin kuwo kasoo horjeeda shuruucda caalamiga ah.

Dowladda Qatar ayaa sheegtay in ay soo gaareen shuruudaha ay soo bandhigeen dalalka xiriirka u jaray, waxayna sheegtay in ay yihiin kuwo lala yaabo, dhawaanna ay kasoo saari doonaan go’aan rasmi ah.

Dowladda Turkiga ayaa taageertay Qatar, kadib markii Sucuudiga iyo dalal badan oo carbeed ay xiriirkii u jareen Qatar ayagoo ku eedeeynaya in ay dhaqaale ku taageerto kooxaha argagixisada, halisna ku tahay xasiloonida gobolka.

Dowladda Qatar ayaa sabtidii sheegtay in shuruudaha ay dalalka Carbeed soo bandhigeen ay yihiin kuwo aan macquul ahayn.

Dowladda Qatar ayaa sheegtay in ay dib u eegis ku sameyn doonto qodobada lasoo bandhigay, ayna diyaarin doonto jawaab rasmi ah kadib marka ay xaqiijiyeen Dukumintiga soo gaaray.