Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somaliya oo Maanta Salaada Ciida Shacabka Kula Tukadey Masjidka Isbaheysiga

0
174

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa maanta salaada ciida kula tukaday boqolaal qof masaajidka isbahaysiga magalada Muqdisho.

Sidoo kale, xubno katirsan golaha wasiirada dowladda, Duqa Muqdisho iyo madax kale ayaa kamid ahaa dadkii Masaajidkaas shacabka kula dukaday.

Salaada kaddib ayuu madaxwaynaha khudbad jeediyay wuxuuna shacabka ugu baaqay inay dowladda kala shaqeeyaan amniga si looga hortago cid kasta oo xasilloonida kasoo horjeeda.

Dadwaynaha masaajidka iskugu yimi ayaa wajiyadoodu ku muuqatay dareen farxadeed waxayna iskugu hambalyeynayeen munaasibadda ciida.