Qarax xooggan ayaa maanta ka dhacay nawaaxiga xaruunta degmada Wadajir oo aan ka fogeyn suuqa weyn ee degmada Wadajir.
Xaruunta degmada wadajir ayaa waxaa ay aad ugu dhowdahay Suuqa weyn ee degmada wadajir, oo ah suuqa ugu ballaaran ee degmadaasi.
Lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxa, waxaana ciidamo ka tirsan maamulka degmadda ay hadda ku suganyihiin goobtii qaraxa uu ka dhacay.
Si kastaba arintu ha ahaatee waxaa tobonkii dambe ee bisha ramadaan magalada muqdisho kusoo badanaya qaraxyada ay maleegayaan ciidamada alshabab ayagoo inta badan la beegsada daweyne shacab ah oo aan waxba galabsan.
