Dowladda Qadar aya sheegtay in aysan wax wada hadal ah la geli doonin dowladaha carbeed ee xiriirada dhinacyada dhaqaalaha iyo safarka u jaray ilaa ay ka laabanayaan go’aankaasi lagu go’doominayo, sida laga soo xigtay wasaaradda arimaha dibadda dalkaasi.
“Qadar waxaa ay ku jirtaa go’doomin, ma jiro wax wadahadal ah, waa in ay qaadaan go’doominta si aan u wada xaajoonno,” sidaa waxaa yiri Sheekh Max’ed Bin C/raxmaan Al-Taani wasiirka arimaha dibadda Qadar.
Isaga oo warbaahinta kula hadlay magaalada Caasimadda ah ee Dooxa, ayuu wasiirku sheegay in wax dalab ah oo ku saabsan wada xaajood uusan ilaa hadda uga iman dhanka dowladdaha Sucuudiga, Isu tagga imaaraadka Carabta iyo Baxrayn, kuwaa oo xiriirka u jaray dalkaasi laba todobaad kahor, ayadoo arintaasi ay ka dhigeeyso xiisadihii ugu xumaa ee mudo sanado ah soo mara Khaliijka.
Xiisadaha ka aloosan Khaliijka ayaa saameeyay in uu hakad galo calaaqaadyadii dhinacyada safarrada iyo ganacsiga ee ka dhexeeyay Qadar iyo dalalka kale ee Carbeed ee xiriirka u jaray, wallow dowladda Turkiga ay taageertay Qadar islamarkaana ciidamo u dirtay, halka dalal ay kamid tahay Soomaaliyana ay dhexdhexaad ka noqdeen xiisadaha ka dhex aloosan dalalka Carbeed.
