Wasiirka amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay Madaxii Amniyaadka ururka Al-Shabaab ee Gobolka Banaadir, kadib howlgal ay sameeyeen ciidamada ammaanka.
Sarkaalkan Shabaabka ah ee la qabtay ayaa waxaa lagu magaacabaa C/waaxid Khaliif Axmed (Ciise Tarbuun), waxaana lagu qabtay suuqa Bakaaraha.
Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) Wasiirka amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay sarkaalkan in uu ahaa ninkii bixin jiray amarada dadkii lagu dilay Muqdisho.
Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada
