Hay’adda Bisha ee Turkiga ayaa ku wareejisay dowladda federaalka Soomaaliya 13 kun oo Tan oo gargaar isugu jiray Raashin iyo Dawooyin oo loogu talagalay dadka abaarta ku dhuftay.
Wareejinta gargaarka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya.
Hay’adda Bisha Cas ee dalka Turkiga oo deeqdaan la soo marsiiyay ayaa waxaa ay sheegtay in ay sii waddi doonto u gargaarida shacabka Soomaaliyeed.
Wasiir-ku-xigeenka wasaarda gargaarka dowladda Federaalka Soomaaliya Cilmi Cumar Ceysane ayaa uga maahd celiyay dowaldda Turkiga garab istaaga shacabka Soomaaliyeed iyo deeqdan ay maanta ku wareejiyeen.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhinaceeda ballan qaaday in deeqdan isugu jirta Raashinka iyo Dawada gaarsiin doonto dhamaan maamul gobolleedyada dalka ka jira.
