Kulankii Golaha Wasiirada shalay ay yeesheen ayaa waxaa looga hadlay qodobo ay kamid yihiin weerarkii Al Shabaab ay ku qaadeen makhaayada Pizza House ee ku taalla degmadda Hodan ee Magaalladda Muqdishu.
Shirkii shalay waxaa shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre, waxaana ugu horeyn warbixin ku aadan weerarka looga dhegeystay Wasiirka Amniga.
Wasiirka ayaa yiri “Weerarkii Pizza House waxaa ku dhintay 20 ruux oo ay kamid yihiin kooxihii weerarka geystay, 7 kamid ah dadkii halkaasi lagu dilay waxaa ay ahaayeen haween ku sugnaa halkaasi waqtigii uu qaraxu dhacayay”.
Golaha Wasiirrada ayaa cambaareeyey weerarka, waxana ay tacsi u direen shacabka Soomaaliyeed iyo cid walba oo dhibaato ka soo gaartay, weerarka.
