Koox hubeysan ayaa xalay toogasho ku dilay C/qaadir Xuseen Madaxeey oo ka kamid ahaa Ergadii soo dooratay Xildhibaannadda Baarlamaanka dowladda Soomaaliya.
Dilka marxuumka ayaa waxaa uu ka dhacay xaafadda Towfiiq ee magaalladda Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.
Kooxdii dilka geysatay ayaa la sheegay in ay ku hubeysnaayeen Bastoolado, waxaana ay ka baxsadeen goobtii dilka uu ka dhacay.
Saraakiisha laamaha ammaanka magaalladda Baydhabo, dhinaca kale waxaa ay sheegeen in ay ku daba jiraan kooxdii dilay marxuumka, oo maanta lagu wado in la aaso.
