Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somaliya oo Ka Hadley Qarixii Xaley Ay Alshabab ku Halaagtey Dad Shacab ah

0
111

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaayo, ayaa si kulul uga hadlay weerarkii xalay Al Shabaab ay ku qaadeen maqaayada Pizza House, ee ku taalla degmadda Hodan ee magaalladda Muqdishu.

Mudane Farmaajo ayaa tacsi kadib waxaa uu yiri “Dadkaasi waxaa ay ahaayeen dad shuhada ah oo bil soon ah la dilay, waliba xili ay faraxsanaayeen waa in laga murugoodo, in bil Ramadaan ah waliba 10-kii dambe lagu jiro in dad Soomaali ah oo aan waxba galabsan in la laayo”, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegey in Goobtii ay xalay weerareen waa meel ay inta badan isugu yimaadaana dhallinyarada dugsiyada sare iyo jaamacadaha ee ay da’dooda u dhaxeyso 15 ilaa 25. Aan is waydiinno maxaa loo laynayaa dhallinyaradaas? Ma ciidan baa? Ma Dowladbaa? Jawaabtu waa maya. Waxaa loo laynayaa maxaad u faraxsan tihiin. Maxay rajo dowladnimo idiin gashay. Maxaad fikirka xagjirka ah u qaadan la’dihiin!.

“Cadawogan waa mid noo diidan inaan faraxno, inaan nabadgalyo helno, inaan shucuubta dunida la jaan qaadno, in qoysaska Soomaaliyeed ay nabad ku soomaan, nabadna ku afuraan.”