Reysulwasaare Kheyre oo Ka Qeyb Galey Shirka Igad Sheegeyna In Somaliya Ku Talaabsatey Nabad iyo HOr U Socot

0
120

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khaiye, oo ka qeyb-galay shirka Urur Gobolleedka IGAD, ayaa bartiisa Twitterka kusoo qoray in caalamka uu u sheegay in nabad iyo hor-usocod uu ka jiro dalka Soomaaliya.

Mudane Xasan, ayaa markiisii ugu horreysay sanadkan ka qeyb-galay shir weynaha Urur-Gobolleed-ka IGAD ee ka furmay magaalladda Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha, ayaa magaalladda Addis Ababa kula kulmay Guddoomiyaha Urur gobolleedka IGAD ahna Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn, waxaana ay ka wada hadleen arrimo badan oo ay kamid ahaayeen xaaladda dalka Soomaaliya.

Shirka madaxda urur-gobolleedka IGAD ayaa qodobada sanadkan looga hadlay waxaa kamid ah xiisadaha ka taagan dalka Koonfurta Sudan oo si aad ah u sii darsanaya.