Tan iyo markii magaaladda Muqdisho uu ka bilowday howlgalka xasilinta ayaa waxaa aad u yaraaday gaadiidkii Tiknikada ahaa iyo ciidamadii tirada badnaa ee magaalada ku sugnaa.
Sida ay dad badan saxaafada usheegeen waxaa ay sheegeen iney ku faraxsan yihiin in magaaladda aysan ku arag gaadiidkii dagaalka ee dadka dhibaateyn jiray.
Howlgalka Hub ka dhigista ayaa waxaa sidoo kale barbar socda ururinta Askarta labisan ee isticmaala lugtooda kuwaa oo dhawaan laga mamnuucay inay maraan waddooyinka iyaga oo aan heysan fasax.
