Wasiirada maamul gobolleedyada Soomaaliya ee dhinaca Maaliyadda ayaa ku sugan magaalada muqdisho waxayna ka qeyb-galayaan shir looga hadlayo hanaanka maaliyada dalka.
Shirka ayaa waxaa ka qeybgallaya wasiirka maaliyada xukuumada Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo xubno kale oo ka tirsan shaqaalaha wasaarrada maaliyada.
Wasiir Beyle oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa sheegay in lacagaha dalka ka baxaya iyo kuwa soo galayo in ay muhiim tahay in la mideeyo oo dekedaha gobolada dalka iyo Muqdisho ay isku mid noqdaan.
Sidoo kale wasiirka maaliyada Soomaaliya ayaa sheegay in dowlada ay wado qorsho lagu dhisayo wadooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho, isaga oo sheegay in dhawaan ay dhisi doonaan wadada xiriirisa Soomaaliya iyo Kenya.
