Wefdi uu Hogaaminaayo Reysulwasaaraha Xukuumada Federaalka oo Maanta Gaaray Dalka Itoobiya

0
194

Ra’iisul wasaaraha xukuumada Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa goor dhaw gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaa oo uu uga qeybgali doono shir madaxeedka urur gobolleedka IGAD.

Wafdi uu hoggaaminayo ra’iisul wasaaraha oo saakay ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ku soo dhoweeyeen Garoonka diyaaradaha Bole International Air Port.

Ka qeyb galka ra’iisul wasaaraha ee shirka IGAD ayaa timid kaddib markii uu madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka baaqday ka qeybgalka shirka.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa inta uu joogo Addis Ababa ayaa waxaa uu la kulmi doonaa Madaxda wadamada IGAD ee shika ka qeyb galaya.