Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in Al Shabaab madaafiic ay xalay ku tuureen saldhigyo ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ay ku leeyihiin degaanno hoos yimaada Gobolka.
Dadka degaanka ayaa sheegay in madaafiic in lagu tuuray saldhiga ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin degaanka Biya-cadde ee gobolka shabeellaha dhexe.
Lama shaacin khasaaraha ka dhashay madaafiicda, sidoo kale ma jiraan war kasoo baxay AMISOM iyo maamul-gobolleedka Hirshabeelle.
Xaaladda degaanka Biya-cadde ee Shabeellaha dhexe, ayaa maanta degan, waxaana si caadi ah u socda dhaq-dhaqaaqa dadka iyo goobaha yar-yar ee ganacsiga.
