Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa magaalladda Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya kula kulmay Madaxweynaha dalka Sudan Mudane Cumar Xasan Albashiir.
Kulanka waxaa looga hadlay sidii dowladdaha Soomaaliya iyo Sudan u yeelan lahaayeen iskaashi dhinacyo badan leh iyo sidii loo sii wadi lahaa cilaaqaadka qotada dheer ee ka dhexeeya labada bulsho.
Madaxweynaha Sudan Mudane Cumar Xasan Albashiir ayaa dhankiisa ballan qaadey inuu sii xoojin doono cilaaqaadka labada dawladood, isagoo casuumaad u fidiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo si loo sii xoojiyo xiriirka labada dal.
Shirka madaxda urur-gobolleedka IGAD ayaa qodobada sanadkan looga hadlay waxaa kamid ah xiisadaha ka taagan dalka Koonfurta Sudan oo si aad ah u sii darsanaya.
