Taliyaha hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Mudane C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, oo xalay ka qeyb-galay kulankii looga hadlayay ammaanka magaalladda Muqdishu ayaa sheegay in aysan jiri doonin qof loogu dulqaadanaayo in uu qash-qasho ammaanka.
Wasirka Amniga gudaha ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga Dalka, Nabad sugida iyo Booliska Soomaaliya ayaa ka qeyb-galay kulankii xalay.
Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in aysan dayici doonin sida loo sugaayo amaanka mas’uuliyiinta dowladda.
