Alshabab iyo Amisom oo Madaafiic Isku Weydaarsadey Deegaanka Nr50

0
206

Xarakadda Al Shabaab ayaa xalay Madaafiic ku garaacay saldhigyo ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin degaanka Number 50 ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dadka degaanka ayaa sheegay in ciidamadii madaafiicda lagu garaacay in iyagana ay madaafiic kale ay ku jawaabeen.

Lama shaacin khasaaraha ka dhashay madaafiicda waxaana dhinaca kale saaka deggan xaaladda degaanka.

Madaafiicda AMISOM ay ku jawaabeen ayaa waxaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen Dad shacab ah oo hoobiyaasha ay guryahooda ugu tageen halkaaas oo ugu yaraan 2 ruux ay ku geeriyooday.